Dhageyso: Qaraxyadii Bardhere Maxaa Ku Soo Kordhay:

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay Saaka ka dhaceen Qaraxyo is xig xiga ayaa sheegaya in dadka ku dhintay uu ku jiro Askari Itoobiyaan ah.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Dowladda Soomaaliya Cabdi Sheekh Xasan oo la hadlay KNN ayaa sheegay in Qaraxyadu ay ahaayeen ilaa 5 Qarax,waxaana ay ka kala dhaceen Goobo ay ka mid yihiin Maqaayado iyo Wadooyin u dhaw Shirkahada Isgaarsiinta Ee Magaaladaasi.

Dadka ku dhintay ayaa kala ah Askari Ciidamada Itoobiya ka tirsan iyo Qof Shacab ah,waxaana dhaawacu uu gaarayaa ilaa Dhawr kale.

Sdoo kale Taliyaha ayaa ntaa ku daray in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay bixiyeen ilaa dhor Miino oo lagu aasay weybo ka mid ah Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Halkaan Ka Dhageyso:

Cabdi sh. xasan Taliyaha boliska dowlda bardhere

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.