TOP News: Wararki iugu dambeeyey ee Dhuusmaareeb iyo Liibaan………….

b, waxaana dagaalka la isku adeegsanayay hubka culus, waxa uuna dagaalka saameyn badan ku yeeshay qeybo badan oo magaalada kamid ah.

Sida aan Wararka ku heleyno dagaalka ayaa hada kasocda xaafado kooban oo katirsan magaalada Dhuuso Mareeb, waxaana dagaal looga itaal roonaaday inta badana magaalada laga saaray ciidankii uu watay Sargaalka lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne oo horey uga goostay Dowlada kuna biiray Ahlu Sunna.

Xaalada magaalada Dhuuso Mareeb ayaa wali ah mid kacsan, waxaana la maqlayaa rasaas goos goos ah ay is dhaafsanayaan dhinacayda dagaalamaya, waxaana magaalada inta badan ka barakacay dadkii shacabka ahaa ee korkooda lagu dagaalamayay.

Ku dhawaad shan qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalka xalay ka qarxay magaalada Dhuuso Mareeb, waxaa sidoo kale jira dhaawacyo dagaalka ka dhasshay oo Isbitaalada la geeyay, dadka qasaaraha ay soo gaareen waxaa ku jira dad shacab ah.

Magaalada waxaa soo gaaray gaadiid dagaal iyo ciidamo Gurmad ah oo ka yimid magaalada Guriceel iyo deegaano kale ay gacanta ku hayaan kooxda Ahlu Sunna ,kuwaa oo dagaal ku gacan siinayay ciidamada Ahlu Sunna ee ku sugnaa Dhuuso Mareeb.

Ciidamada uu hogaaminayo Liibaan Madaxweyne ayaa dib u garasho sameeyay, waxa ayna hada ka dagaalaayaan xaafado kooban oo katirsan magaalada Dhuuso Mareeb, waxaana suurto gal ah in saacadaha soo aadan uu isbadal ku yimaado gacan ku heynta magaalada.

Ma jiro wali wax war ah oo kasoo baxay Madaxda sare ee maamulka Ahlu Sunna iyo sargaalka Liibaan Madaxweyne oo maanta ciidankooda ku dagaalamayaana magaalada Dhuuso Mareeb, dagaalkan ayaana yimid kadib markii uu Liibaan Madaxweyne ka biyo diday in hubkii uu kala goostay Dowlada ku wareejiyo Kooxda Ahlu Sunna.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.