Maamulka Jubb: 7 ka tirsan Al-Shabaab ayaan ku dilnay Dagaal aan ku qaadnay Cabdille Biroole.

ciidan

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in 7 ka tirsan Al-Shabaab ku dileen weerar kedis ah oo ay ku qaadeen deegaanka Cabdalla Biroole oo 40-KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Jubbaland oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Maxamed ayaa u sheegay VOA in weerarka ay ku qaadeen deegaankaas Cabdalla Biroole uu ahaa mid qorsheysan oo ay ku bartilmaameedsanayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

“Xalay ayaa ciidamada ammaanka Jubbaland weerar ay ku qaadeen Cabdalla Biroole waxaa ku dilnay 7 dagaalyahan, dhowr qori gacanta ku dhignay, waxaa la wareegnay deegaankaas, waxaa bilownay sida ay u howl galaan oo kale oo jabhadeynta ah, ciidankeena waxay si kedis ah u weerareen meelihii ay joogeen”ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada amniga Jubbaland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howl galada ay sii wadayaan, isla markaana ay dhowaan Al-Shabaab ka saari doonaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan warkan ka soo yeeray Maamulka Jubbaland, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen inay arkeen ciidamo ka tirsan Jubbaland oo ku sii jeeday deegaanada galbeedka kaga beegan magaalada Kismaayo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.