Dhuusamreeb: Dagaalo lagu hoobtay oo wali kasoconaya halkaasi.

Dagaal u dhaxeeya Xoogaga Ahlusuna iyo ciidamo taabacsan Sarkaal horay ugu biiray ayaa ka socda magaalada Dhuusa Mareeb, iyadoo dagaalka uu saameyn weyn ku yeeshay guud ahaan magaalada.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka oo xalay bilowday ayaa illaa saaka soconaya, waxaana uu salka ku hayaa khilaaf u dhaxeeya Maamulka Ahlusuna iyo Sarkaal lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne oo horay uga tirsanaa ciidanka dowladda.

Sarkaalkan ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu abaabul ciidan ka waday Dhuusa Mareeb, taasna ay u cuntami weysay Maamulka Ahlusuna Wal-Jameeca.

Wararka ayaa intaa ku darayaa in dagaalka uu iminka ka socdo Xaafad lagu magacaabo Waxar Cadde oo ku taal halka laga soo galo magaalada, gaar ahaan dhanka wadada aada Cadaado.

Dagaalkii xalay ayaa ku faafay xaafado dhowr ah, gaar ahaan Xaafada Horseed oo xarumo ay ku leeyihiin Maamulka Culumaa’udiinka Ahluna Wal-jameeca, inkastoo markii dambe ciidankii uu hogaaminayay Sarkaalka kale laga saaray xaafadaha uu ku sii siqay.

Dadka deegaanka oo lagu dul dagaalamayo ayaa sheegaya in rasaasta ay si xoogan u socotay, iyadoo dagaalkii xalay uu khasaare ka soo gaaray kaalin shidaalka lagu iibiyo oo uu dab qabsaday, markii rasaas ku dhacday.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Ahlusuna oo ku aadan dagaalka, hase yeeshe Maamulka ay xafiiltamaan ee Galmudug ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka ka socda Dhuusa Mareeb.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.