War Degdeg ah : Ciidanka Ahlusunna oo gacanta ku dhigay Liibaan Madaxweyne oo Dhaawac ah

Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud , ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlu Sunna ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada Dhuuso Mareeb oo xalay ilaa saakay ay ka socdeen dagaalo culus.

Saraakiil katirsan Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Ahlu Sunna ay gacanta ku dhigeen sargaalkii hogaaminayay Ciidamada dagaalka la galay Ahlu Sunna oo lagu magacaabo Liibaan Maxamed Yuusuf (Liibaan Madaxweyne).

Muxiyaddiin Cali Jimcaale (Jakula), ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidamada Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhaxe ay gacanta ku dhigeen Sargaalkii Hogaaminayay Ciidamada la dagaalaya Liibaan Madaxweyne isaga oo dhaawac ah.

Ma jiro ilo ka madax Banaan kooxda Ahlu Sunna oo xaqiijinaya in ay gacanta ku dhigeen Liibaan Madaxweyne oo hogaaminayay ciidamadii la dagaalamay Kooxda Ahlu Sunna horeyna uga soo goostay Milatariga Soomaaliya.

Magaalada Dhuuso Mareeb ayaa hada xaaladeeda waxa ay tahay mid dagan, waxaana magalaadaasi lasoo sheegayaa in ay gacanta kuwada hayaan ciidamada Maamulka Ahlu Sunna oo ka itaal roonaaday ciidamadii kale ay la dagaalmayeen.

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa duleedka magaalada Dhuuso Mareeb, waxaana la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen ciidamadii ka amar qaadanayay Liibaan Madaxweyne ee dagaalka ku galay magaalada Dhuuso Mareeb.

Ku dhawaad 10-qof oo u badnaa dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhaawacmay dagaalka xalay ilaa saakay kasocday magaaalada Dhooso Mareeb, waxaa sidoo kale dad kale oo ku dhaawacmay dagaalka loo qaaday Isbitaalo kuyaala Dhuuso Mareeb iyo Cadaado.

Dagaalka xalay ilaa maanta ka socday magaalada Dhuuso Mareeb ayaa salka ku haya kadib markii saraakiisha Ahlu Sunna ay ku amreen Liibaan Madaxweyne in uu hubka iyo ciidanka uu heesto soo wareejiyo hasa ahaatee uu sargaalkan ka biyo diiday arintasai .

Waxii Warar dheeraad a ee kasoo kordha dagaalka Dhuuso Mareeb kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.