XOG: Axmed Madoobe ” Kursiga Daarood ee Jubaland anigaa ku Fadhiyo Kuxigeenkane Soomalida kale ayaan u magacaabayaa ” (Akhriso)

axmed

Hogaamiyaha maamulka Juba Axmed Madoobe oo maanta barlamaaka maamulkiisa Khudbad ujeedinayay ayaa kusoo hadal qaaday shakhsiga iyo cida uu doonayo inuu u magacaabo Madaxweyne Kuxigeenka Maamulkiisa.

Axmed Madoobe ayaa baarlamaanka u sheegay in markuu tilgaliyay awood qeybsiga beelaha soomaaliyeed ee Dagan Jubaland uu xeeriyay in kursiga beesha Daarood uu isagu ku fadhiyo taas badalkeedane uu Madaxweyne Kuxigeenka uu rabo inuu u magacaabo Shakhsi aan Daarood aheyn.

“Jubaland belo badan oo soomaaliyeed ayaa dagan waana cadaalad darro in beesha daarood isku darsato labada jago ee ugu sareysa Jubaland anigaa daarood matala kuxigeenkane beelaha kale sida hawiye iyo dar ayaan u magacaabayaa Ogaden, Mareexaan iyo harti intuba anigaa Matalo ” ayuu yiri Axmed Madoobe oo fadhiga barlamaankiisa khudbad ka jeedinayay.

Dhinaca kale waxaa kulanka isaga baxay markii uu hadalkaas dhagahooda kusoodhacay xildhibaanada Beesha Sade ee Baarlamaanka maamulkiisa ka tirsan kuwaas oo ma carooday hadalka uu jeediyay Axmed madoobe oo ay aaminsanyihiin in uu yahay mid uu iyaga ugu dan lahaa bacdamaa ay Madaxweyne Kuxigeenka hada uu yahay shakhsi kasoojeeda beesha sade.

Hadalka Axmed madoobe ayaa imaanaya xilli itoobiya ay sadex maalmood uqabatay madoobe in madaxweyne Kuxigeenka Maamulkiisa uu u magacaabo markale cabdulaahi shekh Ismaaciil Fartaag oo hada jagadaas si KMG ah u hayo.

Wixii kusok kordha kala soco wararkeena dambe Insha allah.

1 Comment

  1. waxaa isku qabsaday jagada kuxigeenka madaxweynaha Abdirashid Janan iyo Abdullahi Ismaciil fartaag waxayna lakala safteen ethiopia iyo kenya taasi waxay keentay in M/weyne Ahmed madoobe

Leave a Reply to cirka Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.