TOP News : Gudoomiyaha Gobolka Gedo oo Socdaalo shaqo ku maraya Degmooyinka Gobolka Gedo.

Gudoomiyaha gobolka gedo mudane Axmed Buule Canjeex,ayaa socdaalo shaqo ku maraya degmooyin katirsan Gobolka Gedo.

Gudoomiye Canjeex ayaa iminka ku sugan Degmada Luuq ganaane ee Gobolka Gedo, halkaasi oo uu kawado kulamo uu laleeyahay maamulka Degmadaasi.

Horay ayuu Gudomiyaha Gobolka Socdaalo shaqo ugu tagay Degmooyinka Garbaharay,Baardheere, Baledxaawo iyo Doolow, wuxuuna socdaalkani qeyb kayahay Socdaalada uu Degmooyinkasi uu ku tagay.

Sikastaba Maamulka Gedo ayaa wado isku xir dhinaca Maamulada Degmooyinka ee Gobolkaasi, waxaana lagu wadaa in Gudoomiye Canjeex iyo wafdigiisa ay gaaraan Degmooyinka Buurdhuubo, Ceelcade iyo Ceelwaaq oo iyagune ka tirsan Gobolweynaha Gedo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.