Faafaahin: Khasaaraha Dhimasho iyo midka Dhaawac ee ka dhashay Qaraxyadii Baydhabo oo sii Kordhay.

Ku dhawaad labaatan qof aya ku dhimatay, konton kalane waa ku dhaawacmeen qaraxyo ruxay magaalada baydhabo galinkii dambe ee shalay.

Qaraxyadani ayaa ka dhacay maqaayado ku yaalo magalada baydhabo kuwaas oo ciyaaro lagu daawanayay.

Wasiir ka tirsan maamulkaasi oo lagu magacaabo cabdifitaax Geesey ayaa sheegay in ay suuragal tahay in khasaaraha uu sii kordho.

Agaasimaha Isbitaalka Baydhabo aya isagune sheegay in khasaaraha uu saacadba saacada ka dambeyso sii kordheyso, sidoo kalane ay geriyoonayan dhawacyo horleh.

Baritaano ayaa kasocnaya magalada bydhabo kuwaas oo ay wadaan ciidamada amaanka ee Maamulkaasi kuwaas oo ku raadjooga cidii ka dambeysay qaraxyadaasi ruxay Magaalada Baydhabo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.