TOP : Ciidamada Dowladda ee Degmada Ceelwaaq oo sameeyey Gadood ciidan Fariisimane soo faarujiya.

Ciidamad amaanka Dowladda federaalka ee Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo aya sameeyey Gadood ciidan iyagoo faarujiyay fariisimo ay Degmadaasi ku lahayeen.

Gadoodkani ciidan aya sabab u noqotay kadib markii mushaar la’aan ay soo wajahday Ciidamadaasi, kuwaas oo aan in muddo ah helin mushaar iyo xuquuqdii ay lahaayeen.

Gudoomiyaha Degmadaasi oo Gedotimes la hadlay aya sheegay in sababta ay ciidmadani ay u gadoodeen ay tahay mushaar la’aan haysata iyo cid xuquuq ay kuleeyihiin oo aysan arag ilaaiyo hadda sida uu hadalka u dhigay.

Gadoodkani ciidan ee ay sameeyeen ciidamada amaanka ee Maamulka Degmada Ceelwaaq ayaa imaanaya xilli sidaas si lamid ah ciidamo kale oo ku sugan Degmooyin kale oo Gedo ka tirsan ay sameeyeeen gadood ciidan kuwaas oo faarujiyay fariisimo ciidan oo ay shabaabka isku hor fadhiyeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.