DEG DEG: Qaraxyo Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay

Sida ay sheegayaan Wararka Inaga Soo Gaaraya  Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya halkaasi goordhow ay ka dhaceen labo Qarax oo ismiidaamin ahaa kuwaasi oo ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa 1-aad oo loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay meel u dhow Maqaaxi ku taala Afar-Irdoodka ee bartamaha  Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Qaraxa labaad oo uu fuliyay Nin isku soo xiray suumanka qarxa ayaa lagu soo waramayaa in uu isna ka dhashay khasaaro kala duwan

Khasaaraha dhimasho ayaa laga cabsi qabaa in uu ka batto halka uu hadda marayo maadaama Qaraxyadaasi la sheegay in ay ka dhasheen khasaaro xoogan.

Ciidamada amaanka ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa isku gedaamay halka ay ka dhaceen Qaraxyadaasi.

Xaalada Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa kacsan, waxaana haatan halkaasi ka socdo daabulida Dadkii ku dhintay kuna dhaawacmay Qaraxyadaasi Ismiidaaminta ahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.