Daawo Sawirada Askartii Ku Dhimatay Qaraxii Xalay oo Aas Qaran Loo Sameeyey

Magaalada Muqdisho Maanta Waxaa Aas Qaran Looga Sameeyey Askartii Xalay Ku Geeriyootay Weerarkii Alshabab ay Ku qaadeen Nawaaxiga Hotel S.Y.l ee Muqdisho.

Askartu waxay isku dhigtay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, isla-markaana uu ka dhashay daryan aad u wayn. Qaraxan wuxuu ahaa midkii ugu xooganaa ee sanadkan laga maqlo Caasimadda.

Aaska loo sameeyay askartan waxaa ka qaybgalay Xildhibaano iyo qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Somaliya, oo Salaadda Janaasada kula tukaday Iskuul Polizio.

Taliye Ku Xigeenka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka, General Maxamed C/laahi Xaamud oo ka qaybgalay Aaska Qaran, ayaa waxaa uu askartaasi uu ku ammaanay kuwo geesiyaal ah, oo badbaadinta shacabkooda u dhintay.

Aas Qaran Aas Qaran1 Aas Qaran2 Aas Qaran3 Aas Qaran4 Aas Qaran5 Aas Qaran6 Aas Qaran7Aas Qaran8Aas Qaran9Aas Qaran91Aas Qaran92Aas Qaran93Aas Qaran94Aas Qaran95

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.