Degdeg: Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo markale duqeymo ka fuliyay Tuulo Barwaaqo

Diyaaradaha dagaalka kenya ayaa gabaldhicii maanta markale duqeymo ka geystay deegaanka tuulo barwaaqo oo hoostaga degmada garbaharay ee xarunta gobolka gedo. Duqeymaha oo aan kala sooclaheyn ayey diyaaradaha dagaalka ee kenya la beegsanayaan guryo iyo dhismayaal ay daganyihin dad rayid ah. Mid kamid ah dadka oo goordhaw u waramay warsidaha gedotimes ee gobolka aya u xaqiijiyay jiritaanka duqeymahani caawa markale ay diyaaradaha dagaalka kenya ka geysteen tuulo barwaaqo. Saaka ayey aheyd markii ilaa lix gantaal ay diyaaradaha kenya la dhaceen guryo,masaajid iyo iskuul ku yaala deegaakaasi, inkastoo khasaare uusan ka dhalan duqeymihii saaka iyo kuwa galabta dhacayba. Alshabaab oo tuulo barwaaqo maamula ayaau baxsaday dhinaca keymaha fog ee gobolka, iyadoo kenyankune ay ku beerlaxowsanayaan in ay bartilmaameedsayaan fariisimaha alshabaab inkastoo deegaanka ay hadaladaasi ku tilmaameen kuwo dhiigooda lagu baneysanaayo.

Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe insha allah

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.