Daawo: Aas aan loo kala harin oo Maanta Magaalada London loogu Sameeyey Marxuum Maxamed Yuuuf Cigaal

Allaha u naxariistee waxaa galinkii dambe ee maanta qubuuraha muslimiinta ee Gardens of Peace london lagu aasay rabi ha unaxariiste  Marxuum maxamed Yuusuf Cigaal oo kamid ahaa soomaalida mudada dheer daganeyd qurbaha.

Maruxuumka oo maalin kahor kugeeriyooday magaalada london ee dalkani UK ayaa sanadihii dambe ahaa bukaan jiif sariirta ku uruursaday.

Waxaa aaska marxuumka kaso qeybgalay syaasiyiin, aqoonyahano,odayaal,dhalinyaro iyo masuuliyin kala duwan kuwaas oo si iskumid ah uga waramay taariikhda marxuumka iyago sheegay in uu ahaa nin ahludiin ah oo afgaaban bulshadane magac ku dhex laha.

Dhinaca kale kaqeybgalayaasha aaska ayaa ka u tacsiyey marwo fadumo sheekh cabdi muxumed, oo aheyd xaaska marxuumka iyo awlaadii iyo aqribadii uu kabaxay marxuum maxamed Yuuuf Cigaal io lagu aasay magaalada London.

Allaha u naxariistee marxuum maxamed yuusuf cigaal ayaa lasoo shaqeeyey dowladii kacaanka ee madaxweyne maxamed siyaad barre isagoo sooqabtay xilal kala gadisan sida isu duwihii wasaarada macdanta iyo batroolka soomaliya oo uu la shaqeynayay tan iyo burburkii dowladda xiligaasi oo uu kamid noqday dadkii dalka isaga hayamay ee u haajiray wadama qurbaha.

Bahda gedotimes oo isku duuban waxay tacsi tiraanyo leh u dirayaan qoyska iyo qaraabada iyo guud ahaan umada soomaaliyeed ee uu kabaxay marxuum Maxamed Yuusuf Cigaal oo galabta lagu aasay magalada London.

INAALILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

HOOS KADAAWO SAWIRRO OO WARIYE KATIRSAN GEDOTIMES KASOO QAADAY AASKA MARXUUM MAXAMED YUUSUF CIGAAL.

 20160225_151532 1 2 3 4 5 6 7 20160225_144611 20160225_151605 20160225_151611

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.