Aqriso: Magacyada Saraakiisha Alshabab ee Lagu Dilay Duqeyntii Ka Tuulo Barwaaqo

(GedoTimes) _Garbahaareey Xili Barqanimadii Maanta Duqeyn Xoogan ay Ka dhacday Deegaanka Tuullo Barqaaqo oo 20km u jirta Magaalada Garbahaareey ee G Gedo ayaa Sarkaal Ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee G geo Waxaa uu sheegay in Ugu yaraan 4 Sarkaal oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen duqeyn ay Diyaaradaha Dagaalka Dalka Kenya ay ka fuliyeen Degaanka Tuulo-Barwaaqo ee Gobolka Gedo.

Cismaan Cabdullahi Xaaji oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in Saraakiisha ay ku dhinteen Weerar xagga cirka ahaa ay fuliyeen Diyaarada Dagaalka ee Dowladda Kenya.

Sarkaal Cismaan oo hadalkisa sii wata ayaa labo ka mid ah Saraakiishaasi ka tirsanaa Al Shabaab waxuu magacyadoo ku kala sheegay Cabdullaahi Xuseen Xasan iyo Luqmaan.

Waxuu sidoo kale uu tilmaamay in Saraakiishaasi ka mid ahaa Xarakada Al Shabaab uu kulan uga socday Degaanka Tuulo-Barwaaqo ee Gobolka Gedo.

Ilaa iyo hada ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ururka Al Shabaab oo ku aadan in Saraakiil kuwooda ah looga Dilay Duqeyn ay Gobolka Gedo ka fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka ee Dowladda Kenya.

Deegaanada iyo Degmooyinka Gedo waxaa ka dhacayey Duqeyno Xoogan.

.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.