Alshabab oo Dad Ku Xir Xiray Deegaanka Janaalle Maxey Tahay Sababta?

(GedoTimes) _Janaalle  Wararka inaga Soo Gaaraya Degmada Jannaalle ee G sh hoose ayaa sheegaya in Xoogaga Ururka Al Shabaab, ay  galabta saddex nin oo rayid ah ay ku xireen Degmada Janaale Ee Gobolka Shabellaha Hoose,

Raggan, ayaa waxaa lagu kala sheegay laba nin oo darawaliin ah iyo nin kaloo kirishboy ah, kuwaa oo ka rakaabsada wadada xiriirisa Degmooyinka Afgooye iyo Janaale.

Labada nin ee darawaliinta ah, ayaa waxay ka mid yihiin darawalada ka hawlgasha Janaale iyo Afgooye, wuxuuna xarigoodu ka dambeeyay markii ay maanta rakaab ka qaadeen Afgooye, isla-markaana ay geeyeen Janaale.

Mid ka mid ah darawalada ka hawlgala Afgooye & Janaale oo diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado, ayaa ka hadlay xariga uu Ururka Al Shabaab kula kacay saddexdaasi nin.

“Darawalada waxaa lagu haystaa maalin dhaweyd ayay qalab Spare Parts ah oo Ciidamada Dowladda leeyihiin, ay ka qaadeen Degmada Afgooye, waxayna geeyeen Deegaanka Leego. Spare Parts waa taqaanaa waa qalabka lagu bedelo baabuurta marka ay ciladoodaan.” Ayuu yiri ninkan oo la hadlay Warbaahinta gudaha

Maalmihii Danbe Alshabab ayaa Xirxirayey Ragga ay kaga shakiyaan in Alshabab la shaqeeyaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.