Nabad Sugida oo sheegay in Gacanta Lagu Soo dhigay Raggii Tuuray Hoobiyayashii Lagu Garaacay Madaxtooyada

 

(GedoTimes) _MuqdishoSaraakiisha Hay”ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka ayaa sheegay in gacanta Ku soo dhigeen  Hub iyo Hoobiyayaal ay sheegeen in ahaayeen Kuwii Maanta Lagu Weeraray Xarunta Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya

Afayeenka G Banaadir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Xaafad ka mid ah Xaafadaha Muqdisho laga soo qabtay Hub iyo Hoobiyayaal ay Ciidamada gacanta ay ku soo dhigeen islamarkaana dhawaan Warbaahinta loo soo bandhigi doono.

Afayeenka ayaa sheegay in Ciidamada ay ogaadeen Halkii laga soo tuuray Hoobiyayaashii Maanta lagu Garaacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaana uu Carabka ku dhuftay in  Ciidamada u Suuragashay in ay  Ciidamada ay kaashaden shacabka Magaalada Muqdisho.

fhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane oo la hadlay Saxaafadda, ayaa waxaa uu ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid afarta qof ee isu qoyska ahayd, kuwaa oo deganaa guri ku dhow Madaxtooyada.

Afhayeenku wuxuu weerarkaasi uu dusha kaga tuuray maleeshiyada mayalka adag ee Al Shabaab, oo uu ku eedeeyay kuwo u taagan inay dhibaateeyaan shacabka Somaliyeed.

Al Shabaab waxayba ku faantay inay iyadu ka masuul ahayd illaa sagaal madaafiic ah, oo sida ay sheegtay ay maanta u tuurtay dhinaca Qasriga Villa Somalia.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay, ayaa waxaa soo badanaayay madaafiicda ay Shabaabku ku qaadayaan Madaxtooyada, iyadoo maalin cad ay tahay.

Waa weerarkii 3-aad oo maalin cad lagu qaado Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu dhashay sanadkan 2016.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.