Dhageyso: Cidamada Dowlada oo La Waregay Degano ka Tirsan G, Sh, Dhexe

Guddoomiyaha Maamulka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Xuseen Afrax  ayaa ka warbixiyay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM oo barqanimadii maanta la wareegay Tuulooyin hoostaga degmadaasi.

Meelaha ay Ciidamadu la wareegeen sida Guddoomiyaha uu Shabelle u xaqiijiyay waxaa ka mid ah Tuulooyin ay ka mid yihiin Ceelbaraf  iyo kuwa kale oo ku dhow dhow oo dhmmaan hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiyaha Mahadaay ayaa waxa uu sidoo kale tilmaamay in Al Shabaab ay si iskoood ah u faarujiyeen tuulooyinkaasi iyadoo aan wax dagaal ah ka dhicin taas oo keentay in Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ay la wareegaan.

Waxaa kale uu guddoomiyaha meesha ka saaray in ay jiran shacabka degan tuulooyinkaas in ay ka barakaceen halkaasi.

Halkaan Ka Dhageyso:

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.