XOG: Kunteenar sida Hub oo Kenya ay ugu deeqday Cabdirashiid Indhakoreey oo Mandheera soo gaaray.”akhriso”

kontoonar xamuul ah oo lasoo warinaayo inuu shixnad hub ah u sido cabdirashiid indhjakoreey oo ay dowlada kenya ugu deeqday ayaa maanta soo istaagay xuduuda degmooyinka baledxaawo iyo mandera.

Kunteenarkaan ayey kenya ugu deeqday cabdirashiid indhakoreey, si uu ugu gumaado shacabka kahor imaadsan ee ku nool Gooblka gedo, ayaa hadda taagan Xuduuda labada Dal.

Deeqdani hub ayuu ku  muteystay indhakorey kadib markii duqeymihii ay kenya gedo ka fulisay kuna dishay kudhawaad 30 qofood uu sheegay in aysan eedeynta kenya loo jeediyay ay tahay  waxba kamajiraan, shacab la guumaadayne aysan jirin, arintaas oo aheyd dakano weyn oo uu indhakoreey ka galay shacabka ku nool Gobolka Gedo oo Kenya ay xasuuqqeysay wixii ka dambeeyey weerarkii celcadde.

Wariye ka tirsan Gedo Times oo booqday Goobta uu taaganyahay Kunteenarkaan hubka ah, ayaa soo warinaya in Maamulka Degmada Baledxaawo iyo kan Gobolka oo uu matalaayo Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Bakaal Kooke, ay is hortaag ku sameeyeen in aan lasoo gudbiyo kunteenarkan iyagoo sheegay in aysan ogolaan karin in  gedo lasoo galiyo hub la doonaayo in lagu gumaado shacabka gobolka Gedo.

dhiciniisa cabdirashiid indhakoreey ayaa kasoo qeyla dhaamiyay magaalada kismaayo oo uu ku suganyahay,wuxuuna ka dalbaday bakaal kooke iyo Yuusf kaanti in ay hubkaas ogolaadaan in lasoo gudbiyo inkastoo ay marhore hoosta ka xariiqeen in aysan ogoleyn in hubkaasi uu gedo usoo gudbo.

wixii kusoo kordha kala soco xogaha caynkani oo kale ah ee xaqiiqada ah gedotimes.com

1 Comment

Leave a Reply to zakia Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.