XOG: Dowladda Turkiga oo Fiisaha Dalkeeda u diiday in ay siiso Janaraal Gabre oo qorsheynayay inuu ka qeybgalo shirka Soomaalida ee Halkaasi ka furmaya.

Warqoraal ah oo kasoo baxay Wasaarada arrimaha Dibadda Turkiga oo soo gaaray Safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu mamnuucay in Gen. Gebra la siiyo Fiiso uu ku galo dalka Turkiga.

Xogtaani oo aan la wadaagnay Saraakiil ka howlgasha Safaarada ayaa sheegay in sababta ay tahay in Dowlada Turkiga ay Gen. Gebra u aqoonsatay shar wade ay ka degi la’ dahay Somalia, waxa ayna goor sii horeysay sidoo kale uga mamnuucday Shirkii lagu heshiisiinaayay DF iyo Maamulka Somaliland.

Dowlada Turkiga ayaa ka qeybgalka shirkaasi u ogolaatay kaliya wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, waxa ayna sidoo kale diidmo ka muujisay in Mas’uuliyiinta Somalia ku jooga magaca AMISOM aysan wehlin doonin wafdiga shirka lagu marti galiyay.

Dowlada Turkiga ayaan xiriir wanaagsan la laheyn Dowlada Ethiopia, waxa ayna dhowr jeer sheegtay in qaska ka taagan Somalia ay u sabab tahay Dowlada Ethiopia.

Gen. Gebra ayaa kaalin ka qaatay qaska Somalia, waxa uuna Somalia cagta soo galshay xiligii Maxaakiimta waxa uuna ilaa iyo hadda ku howlan yahay ka shaqeynta Somalia oo aan dhaafin halka ay hadda joogto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.