Degdeg: Shirkii Jaraa’id ee Muqdisho lagu qabtay oo lasoo gaba-gabeeyey iyo Warsaxaafadeed laga soo saaray.

Waxaa Goordhaweyd lasoo gabagabeeyey Shirkii ay muqdidho ku lahaayeen siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Sade, ee ka hadlayay shir dhawaan uu Axmed Madoobe kismaayo ka furay.

Masuuliyiintii kulanka kahadashay oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Magan, Siyaasiga Cabdiwaaxid Goonjeex iyo janaraal cali Madoobe ayaa laga soo saaray Bayaan dhowr qodob ka kooban, kaas oo loo gudbiyay Xafiisyada beesha caalamka ee Muqdisho iyo Nairobi, kuwaas oo lagu cadeynaayo barnaamijka riyada ah ee uu Axmed madoobe ku sheegay in ay ku heshiinayaan Beesha Sade.

Xildhibaan Magan ayaa sheegay in uusan jirin dagaal ka dhaxjira Beesha sade gudaheeda, balse xafiiltan iyo xurgud uu beeshaasi kala dhaxeeyo beesha hogaamiye Axmed Madoobe, isagoo geesta kalane ku nuuxnuuxsaday in Axmed Madoobe uu rabo in uu isku dayo inuu qariyo dhibaatada ay beeshiisa iyo isagaba u geysteen beesha Sade.

“Axmed madoobe ninkii dhahaa siyaasadda jubaland in ay saldhigato iyo in xal lahelo ayuu u baahanyahay waa nimaan waaqici aheyn wacyiga jirane aan lasocon, isagaa hortaagan shirar badan oo la isku dayay in la qabto itoobiya iyo Kenya ayaana ku garabsiiyo marin habaabinta shirarka la doonaayo in lagu heshhiisiiyo dadka ree Jubaland, waxa uu kismaayo ku daahfuray ee uu ugu magac daray shir dib u heshiiiineedne wuxu lamid yahay kii sanado kahor halkaasi lagu qabtay ee natiijo la’aanta kusoo dhamaaday” ayuu yiri Magan oo Wariyayaasha u akhrinayay Warsaxaafadeedkii ay kasoo saareen shirka jaraa’id ee ay Muqdisho ku qabteen.

Dhinaca kale waxaa iyagune shirka jaraa’id ka hadlay siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda beesha Sade kuwaas oo ayiday sheegayne in ay isku raaceen Warsaxaafadedka uu akhriyay Xildhibaan Magan ee looga hadlayay Mowqifka Beesha ee Shir dhawaan uu axmed madoobe kismaayo ku daahfuray.

Goordhaw Filo, Muuqaalo, Masawirro iyo codad aan kasoo qaadnay shirka jaraa’id ee Muqdisho lagu qabtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.