Degdeg: Shir Iminka Muqdisho uga socda Beesha Sade oo looga hadlaayo shirkii uu Dhawaan Axmed Madoobe Kismaayo ku daahfuray.

shir jaraa’id ayaa iminka ka soconaya Hotel Xayat ee Magaalada Muqdisho, shirkaasi oo ay leeyihiin siyaasiyiinta beesha sade ee ku sugan muqdisho iyo hogaanka dhaqanka ee beesha, shirkaasi oo looga hadlaayo, shir uu dhawaan Axmed Madoobe ku daahfuray Magaalad Kismaayo oo uu ku sheegay shir dib u heshiisiin oo loo qabtay Beesha Sade.

shirkani oo uu shir gudoominaayo gudoomiyaha gudiga 9ka xubnood ee beesha sade loo xilsaaray jaangoyta siyaasadda beesha ee waqtiyada soo aadan Xildhibaan Maxamuud cali Magan, ayaa lagu faafaahin doonaa mowqifka gudiga iyo beesha ee shirkii dhawaan kismaayo agu daahfuray.

Warqabadka Gedotimes ee Muqdisho oo ku sugan Madasha shirka ayaa soo tabin doonaa muuqaalo iyo sawiro iyo walibo warbixino la xirira natiijooyinka shirkaasi jaraa’id kasoo bixi doona.

Madasha waxaa kusugan dhamaan xubnaha gudigii dhawaan lamagacaabay ee loo xilsaaray jaangoynta siyaasadda Beesha.

wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe insha alah

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.