XOG: Wasiir ku Xigeen ka tirsan Wasaaradaha Dowladda oo lag helay Fadeexad ah iibsasho Fiisooyin badan.

Wasiir ku xigeenka wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada Soomaaliya ayaa banaanka soo dhigay fadeexad ka dhex taagan wasaaradaasi, kadib markii la iibsaday Viisooyin loo qorsheeyay dhalinyaro ka qeyb gali laheyd shirka aayaha Soomaaliya ee ka dhaca dalka Turkiga Bishaan.

Cismaan Aadan Dhuubow, ayaa sheegay in wasiirka wasaaradaasi iyo shaqsiyaad kale oo wasaarada ka tirsan ay suuqyada ku iibsadeen Viisooyinka la qorsheeyay in dhalinyarada gobolada dalka kaga qeyb galaan shirka ka dhacaya dalka Turkiga ee looga hadlayo Hiigsiga Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka, ayaa sheegay in wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya uusan la tashan shaqaalaha kale ee wasaarada, uuna si hoose u iibsaday Viisooyinka gaaraya 20, sida uu hadalka u dhigay.

“Wasiir Nuux iyo rag ka tirsan Madaxtooyada ayaa si cad Suuqyada ugu iibsanayeen Viisooyinka in ka badan 20-Viiso oo loogu tala-galay inay Dhalinyarada Soomaaliyeed ee gobolada iyo caasimadda ku nool ugu qeyb-galaan shirka ka dhacaya Turkey” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Dhalinyarada Cusmaan Dhuuboow..

Dhanka kale waxaa jira wasiirk ku xigeenka iskaashiga caalamiga mudane Qaloocoow uu iibsaday 10 visa oo dalka Sweden ah taa oo lagu soo qaaday magaca xildhibaana ah lakiin laga iibiyey shaqsiyaad kuwaa oo iska dhiibay wadamada qaarada Yurub angaa dadkii Visahaa lagu keenay dalka Sweden noo xaqiijiyeen xaqiiqda jiritaanka warkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.