Degdeg: Xasan Sheekh iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Turkiga u duulay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Turkiga halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shir ku saabsan arrimaha Somaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga la socda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidamada dowlada.

Berrito ayaa lagu wadaa in dalka Turkiga uu ka furmo shirka Madasha Wadatashiga Qaranka kaasoo ay ka qeyb gali doonaan madaxda ugu sareysa ee dalka, madaxda maamul goboleedyada iyo wakiilada beesha caalamka.

Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada qaar ayaa ka sii ambabaxay Magaalada Muqdisho oo u safray dalka Turkiga si ay shirkaasi kaga qaybgalaan.

Dhinaca kale, waxaaa dalka Turkia ka socda shir looga hadlayo maalgashiga Soomaaliya iyo doorka Turkiga ee ku aadan horumarka dalka, waxaana shirka ka qeyb gali doona ganacsato Soomaali iyo Turki isugu jirta iyadoo inta uu socda diiradda lagu saari doono dhiiri gelinta maalgeshiga Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa si wadajir ah u furi doona Reysul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo dhigiisa dalka Turkiga Ahmet Davutoğlu.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.