TOP : ahlusunna ” Uma aanan diidin Axmed C/salaan iyo Wafdigiisa in ay Dhusamareeb Yimaadaan”

Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa been abuur ku tilmaamay in Deeganada ay ka taliyaan ay u diideen inay tagaan Wafdi uu hogaaminaayo Siyaasiga Axmed Xaaji C/salaan oo ka soo jeeda Gobolka Galgaduud.

Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe Mursal Maxamed Xeefow, ayaa sheegay wararka ku aadan in Wafdigaasi loo diiday Deeganada Ahlu Sunna inay tahay arin aanan waxba ka jirin oo been abuur ah.

Xeefoow,waxaa uu sheegay in aysan jirin Diyaarad wadday Axmed C/Salaan oo ay Ahlu Sunna ka celisay Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb,waxaana uu intaa ku daray in wararkaasi ay yihiin kuwo ay qoreen dad neceb Ahlu Sunna sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay Afhayeenka Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe in sidoo kale aysan jirin ciidamo dheeraad ah oo la geeyay Garoomada Guriceel iyo Dhuusamareeb oo Ahlu Sunna ay ka taliyaan.

Warar soo baxay shalay oo Warbaahinta ay baahisay ayaa lagu sheegay Wafdi uu hogaaminaayo Axmed Xaaji C/salaan in loo diiday inay ka degaan Garoomada Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Siyaasiga Axmed Xaaji C/salaan oo ka soo jeeda Guriceel iyo Dhuusamareeb, ayaa saameyn ku leh Siyaasada Gobolada Dhexe isaga oo u tartamay Xilkii Madaxtinimada Maamulka Galmudug.

Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna, ayaa Khilaaf xoogan ka dhex taagan, iyadoo labadan Maamul ay ku kala sugan yihiin Degmooyin ka kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.