TOP News: Odayaal dhaqameedyo laga soo masuufiyay Magaalada Kismaayo oo Muqdisho soo gaaray.

madoobe

Laba ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Gobolada Jubbooyinka, ayaa waxaa Axadii laga musaafuriyay Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, iyadoona loo musaafuriyay Magaalada Muqdisho.

Suldaan Maxamuud Geele Cumar iyo Nabadoon C/laahi Bille Saciid Ciise, ayaa waxaa Garoonka Kismaayo laga saaray diyaarad ku wajahneyd Magaalada Muqdisho, waxaana looga digay inay ku soo laabtaan Kismaayo.

Odayaashan, ayaa laba cisho ka hor waxaa lagu xiray Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, maalin ka dib markii ay Warbaahinta ka sheegeen inay kalsoonida kala laabanayaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland, Maxamed Warsame Faarax (Darwiish), oo ay ku dhaliileen bilaa wax qabad iyo musuq maasuq.

Suldaan C/casiis Cumar Daad (Beyle), ayaa waxaa uu xariga Odayaasha uu ku eedeeyay Darwiish, halka musaafurintooduna uu dusha kaga tuuray Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

“Odayaasha oo iska joogga Magaalada Kismaayo waxaa soo xiray Ciidanka ninka la leeyahay Darwiish, amarka lagu soo musaafuriyayna waxaa iska lahaa Axmed Madoobe.” Ayuu yiri Suldaan C/casiis Cumar Daad oo la hadlay Dhacdo.com.

Suldaan Beyle, ayaa sheegay in Odayaasha Dhaqanka lagu haysto iyagoo dhaliilay wax qabadka Maamulka Jubbaland, isla-markaana aanay khalad ahayn in farta lagu fiiqo dhaliisha Maamulka.

“Labadaba hadda waxay jooggaan Magaalada Muqdisho, waxaa loo soo musaafuriyay, waa sidee wax uga sheegtaan Maamulka? Intaa oo keliya ayaa loogu diiday inay sii jooggaan Magaalada Kismaayo. Waxba kuma jabna in dhaliisha Maamulka la cadeeyo.” Ayuu yiri Suldaan Beyle.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.