Tacsi: Ugaaska Beesha Sade oo ka tacsiyeeyey Geeridii Ku timid Marxuum Cumar Feen oo Afmadow ku geeriyooday.

Ugaaska beesha Sade ugaas Maxamed Ugaas xaashi ugaas xirsi oo la hadlayay warbaahinta Caalamiga ah ee Gedo Times aya dhambaal Tacsi ah soo gaarsiiyay Warqabadka GT ee Muqdisho isagoo tacsiyeeyey geeridii Maanta ku timid caaqil Cumar feen oo ku geeriyooday Degmada afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

Ugaaska Ayaa Tacsi tiiraanyo Leh u diray qoyskii Iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum cumar isagoo u rajeyey in naxariistii Janne uu alle ka waraabiyo marxuumka qoyskii Iyo qaraabadii uu kabaxayne Samir Iyo iimaan kasiiyo.

Ugaas Maxamed Ugaaska Sade Ayaa sheegay in caaqil ka uu taariikh badan ku leeyahay Guud ahaan deegaanada Soomaalida, isagoo geesta kalane hoosta ka xariiqay in uu horay ula soo kulmay caaqil ka xiligii dowladdii ka caanka.

“Allaha u naxariisto caaqil cumar wuxuu ahaa halyey Soomaaliyeed oo lasoo shaqeeyey ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL, sidoo kale wuxuu lasoo shaqeeyey Xukuumadihii rayid ka ahaa ee ka horeeyey dowladdii kacaanka ee Madaxweyne Maxamed Siyaad uu Hogaaminayay,”

Ugaaska Ayaa dhinaca kale hoosta ka xariiqay in caaqil cumar uu wax ka caleema saaray hogan dhaqan badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo uu sheegay in ay kamid yihiin adeerkiii Iyo awowgii oo labaduba beesha Sade soo hogaamiyay.

“caaqil cumar Allaha u naxariistee wuxuu wax ka caleema saaray hogaamiyayaal Iyo Kaaba qabiilo badan oo Soomaaliyeed, waxaana kamid ahaa awowgeey Ugaas xirsi Iyo adeerkey ugaas Cumar ugaas xirsi oo labaduba soo hogaamiyay hogaanka dhaqanka ee beesha Sade” ayuu Yiri ugaas Maxamed ugaas xaashi oo Gedo times dhambaal tacsiyeed soo gaarsiiyay.

Caaqil ka geeriyooday Ayaa kamid ahaa hogaankii leegadii SYL ee ka shaqeysay gobanimo doonka umada Soomaaliyeed

Bahda Gedo Times ayaa dhinacooda Tacsi u diraya marxuum Caaqil Cumar feen qaraabadii Iyo ehel kii uu ka geeriyooday

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.