Dhageyso: Qarax Ciidamada Itobiyo Lagula Egtay Leego

qarax

Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa Ethiopia ayaa maanta qarax Miino lagula eegtay duleedka deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qarax ayaa la sheegay in uu haleelay mid ka mid ah Kolonyada Ciidamada Ethiopia ee marayay duleedka deegaanka Leego.

Wararka ayaa intaas ku daraya kadib qaraxa in Ciidamada Ethiopia ay isku fidiyeen deegaanka Leego oo nawaaxigiisa qaraxa lagula eegtay.

Ciidamada oo billaabay baaritaanno xoogan ayaan la sheegin cid lagu soo qab qabtay baaritaanadooda.

Inta badan Al Shabaab ayaa weerarada nuucaani ah la beegsada Ciidamada AMISOM  iyo kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo khasaarooyin geysta.

Maalin ka hor ayey ahayd markii Ciidamo AMISOM ka tirsan qarax lagula beegsaday deegaanka Buufow ee Shabeelaha Hoose.

Qaraxa ,maanta Ciidamada Ethiopia lala eegtay ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan kulan dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia iyo Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ay isla meel dhigeen in ammaanka ay iska gacansiinayaan.

Halkaan Ka Dhageyso:





Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.