Dhageyso : Maxaa Ku Soo Kordhay Dagaalki Cadaado Ka Dhacay

Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xuseen oo shir jara’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in ay kala dhex galeen Ciidamada islamarkaana ay baaritaanno ku hayaan qaabka uu ku bilowday isku dhacay.
Mr Cabdiraxmaan Cabdullaahi ayaa tilmaamay in ay aad u baarayaan saraakiishii masuulka ka ahayd dagaalkaas ayna sharciga la tiigsan doonaan.
Ciidamada ku wada dagaalamay degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa la soo warinayaa in ay isku qoomeen bixinta Mushaaradkooda ah.
Xaaladda ayaa iminka yara degan iyadoona labada dhinac weli ay is horfadhiyaan balse ay socdaan dadaallo dhex dhexaadin ah.
Maamulka Magaalada Cadaado ayaa wacad ku maray in aysan u dul qaadaan doonin dagaal kale oo halkaas ka dhaca.
Si kastaba Magaalada Cadaado ayaa xarun KMG u ah maamulka Galmudug kadib markii Magaalada Dhuusamareeb ay xarun ka digteen maamulka Ahlusunna oo ka soo horjeeda maamulkaasi.

Halaakn Ka Dhageyso:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.