XOG: Xukuumadda Soomaliya oo Magaacbeyso Safiiro badan kuwa kalane Xilalka ka qaadeyso.

Warar goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in R/wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali uu shir deg deg ah caawa la qaadan doono Golaha wasiirada Xukuumada Somalia.

Shirka ayaa waxaa la sheegay in diirada lagu saari doono arrimo kala duwan, waxaana jira warar sheegaya in kulanka lagu magacaabi doono Danjirayaal cusub.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale xilka looga qaadi doonaa dhowr Safiiro oo hadda ku magacaaban xilal Safiirnimo, inkastoo aan la ogaankarin sida ay wax noqon doonaan.

Waxaan la ogen tirada Danjirayaal ee la magacaabi doono, inkastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in ilaa 12 Danjirayaal kulankaasi lagu magacaabi doono, tirro intaa la egna xilka looga qaadi doono.

Ugu danbeyntii, waxaan la cadeyn karin sababta ka danbeysa in is bedel lagu sameeyo Danjirayaasha Dowlada ugu magacaaban wadamada kale ee saaxiibada la ah Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.