Qormo Xiso Badan: Shaqsi Noce ah Ayuu Ahaa “Maxamed Cali Samatar”

Sareeye guud Maxamed Cali Samatar Madaxweyne ku xigeenkii koowaad ee Dawladii Kacaanka ahaana mudo dheer Wasiirkii Gaashaandhiga Soomaaliya, waxyaabaha sida weyn loogu xusuusto marka Taariikhdiisa Ciidinimo laga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah in isagoo sarkaal sare aan aheyn inuu Bilad geesinimo uu ku qaatey Sanadkii 1964,kii dagaalkii dhex marey soomaaliya iyo itoobiya,

isagoo sidoo kalena ahaa ninkii ugu sareeyey ee Maamulayey Dagaalkii Soomaaliya iyo itoobiya dhex marey sanadkii 1977,kii waxaana isagoo si Gaar ah uga waramaya xusuustiisa iyo dagaalkii sanadkii 1977,kii uu yiri:
Dhacdo xusuus weyn ii leh ayuu ahaa Dhabtii Dagaalkii Sanadkii 1977.kii dhex marey Soomaaliya iyo itoobiya waxaanan oran karaa dagaalkaas mid weyn buu ahaa oo taariikhdu xuseyso iyadoo dugsiyada lagu barto dagaalka ee qaar ka mid ah caalamka ilaa haatan lagu dhigo siduu u dhacey dagaalkii soomaaliya iyo itoobiya dhex marey.
Jeneraal Samatar isagoo sii wata hadalkiisa waxuu yiri Dagaalkaas si fiican baan u qorsheyney si fiicana waan u maamulney iyadoo guud ahaan soomaaliya ay dagaalkaas ku muujisey Geesinimadeeda, dadnimadeeda, kartideeda iyo qiimaha ay caalamka ku leedahay maxaa yeeley waxaa jirtey dagaalkii sanadkii 1977 soomaaliya iyo itoobiya dhex marey ka hor dalka itoobiya waxaa loo yaqiin “Libaaxii Geeska Afrika” cidina isma laheyn kumana fekereyn in ciidanka itoobiya uu jiro ciidan is hortaagi kara oo afrika ku nool waxaase Cajiib ahaa in ciidankaas itoobiya ee qatarta loo maleynayey markii dagaalka uu qarxey ka dib in ciidanka xooga dalka soomaaliyeed ee geesiyaasha ah ay kuwii itoobiya ka dhigeen “Bisad ama Mukulaal” cashar lama iloobaan ahna u dhigeen mudo yar oo bilooyin ah waxaana hadii aan itoobiya loo soo gurman oo garab aysan ka helin dawladaha kala ahaa Midowga Soofiyeeti Ruushka, Kuuba,Liibiya iyo Yemanta Koonfureed runtii xaalada waa ku sii xumaan laheyd itoobiya guud ahaana waan ka xoreyney dhulka soomaaliyeed ee mudo dheer ay xooga ku heysatey gumeysaneysana isbaheygaas dawladaha faraha badan ka koobnaa ayaase kasoo gaarey oo u miciiney itoobiya.
Sareeye guud Maxamed Cali Samatar waxuu yiri markaan xuso goobahii ugu muhiimsanaa ee dagaalka uu ku dhaxmarey soomaaliya iyo itoobiya sanadkii 1977 waxaa ka mid ahaa Magaalada Jig-Jiga waxaana jirtey in magaaladaas itoobiya ay u joogeen ciidamo aad u badan oo kuwa Taangiyada ah sideedana Jig-Jiga waxey leedahay difaac adag oo dabiici ah waana Buuraley markii difaacaas la abaabulo oo la qodo waa la yaqaanaa sahal laguma mari karo ismana aysan laheyn itoobiyaanku ciidamada geesiyaasha soomaaliyeed mudo kooban ayey ku jiiri karaan meesha la yiraahdo Kaaramardha runtiina dagaalkaa Jig-Jiga aad ayuu u adkaa una qalafsanaa hadiise aan xusuusteyda dib ugu noqdo 14 cisho ama maalmood ayuu ku qaatey ciidanka sooma jeestayaasha soomaaliyeed in ay kaga takhluusaan kuna bur buriyaan kuwa itoobiya iyadoo markaa ka dibna dhawr gobol ay xoreeyeen ciidanka geesiyaasha ee xooga dalka soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii Jeneraal Samatar waxuu sheegey in markii soomaaliya dhinaca milatariga ay kaga adkaatey itoobiya in ay u soo gurmadeen oo u qeyla dhaansatey dawladaha Midowga Soofiyeeti Ruushka, Kuuba,Liibiya iyo Yemanta Koonfureed waxaana markaa soomaaliya ay ku qasbanaatey in dagaalka ay kasoo baxdo waayo keligeed bey ku noqotey cid garab siisana ma aysan helin.



Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.