Keny: Waxaan Dilnay Mahad karatay.

Taliska Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howgalka AMISOM ayaa xaqiijiyay in Hogaamiyaha Xarakada Al Shabaab ee dhanka amaanka, Mahad Maxamed Karatay lagu Dilay Weerar ay Ciidamada Kenya ka fuliyeen Xerada Nadaaris oo ku taala inta u dhaxeysa Magaalooyinka Saakoow iyo Bu’aale ee Gobolka Jubada Dhexe.

Weerarkan oo dhacay 8-dii bishan ayaa sidoo kale Saraakiisha Dowladda Kenya waxey ku sheegeen in ay ku Dileen ugu yaraan10 kale oo ka mid ahaa Saraakiisha Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab oo ku sugnaa Xerada Nadaaris oo xiligaasi tababar lagu soo xirayay Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab.

Saraakiisha Dowladda Kenya ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in Hogaamiye Mahad Karatay uu kaalin wey ka qaatay Weerarkii Cuslaa ee bishii la soo dhaafay ay Al Shabaab ku qaadeen Saldhigii Ciidamada Kenya ee Degaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Kenya ayaa shaacisay in ay sii wada doonto howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab ee ka socda Koonfurta Dalka Soomaaliya, si ay Ciidamadeeda uga qeyb qaataan dib u soo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Dalka Soomaalaiya

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.