XOG: Maxaa ka cusub Maanta Magaalada Kismaayo, Xiisad Cusub oo halkaasi ka taagan “Akhriso”

kismayo

Magaalada Kismaayo waxaa ku shiray Baarlamaanka Maamulka Jubbaland,waxayna maalmihii la soo dhaafay Xubnahan Baarlamaanku isku hayeen Qodobo xasaasi ah oo Wasaarada Maaliyada Maamulka Jubbaland iyo Madaxwayne Axmed Madoobe oo deegaanka ka maqan ay soo gudbiyeen,kuwaas oo Xubnaha Baarlamaanka lagaga codsaday in ay ansixiyaan Miisaaniyada Sanadeedkii Maamulka Jubbaland.

Sir hoose oo ay Gedo times ka helay Mas’uuliyiinta Jubbaland ayaa sheegaysa in Maamulka Axmed Madoobe uu kagag yimid Cadaadis dhanka Beesha Caalamaka isla Markaan la joojiyey dhaqaalo la siin lahaa,arimo la xidhiidh Musuq Maasuq,iyo in Maamulka Jubbaland ee xiligan jira uuna Maarayn karin dhaqaalaha la siiyo,Waxayna Mas’uuliyiinta Beesha Caalamku dhowr jeer si cad ugu sheegeen Maamulka Jubbaland in ay ka digtoonaadaa lunsashada dhaqaalaha Hay’adaha gargaarka iyo kuwa hormarinta.

Xaalada noocaas ah ayaa sababtay in Kalsooni lagu qabi waayo Maamulka Axmed Madoobe,uuna Magaalada Naiorbi ku xayirmo dhaqaalihii loogu talogay hormarinta deegaanka,Mashaariica iyo Hay’adaha Maamulkaas oo ay Ciidamadu ugu horeeyaan.

Sida ay Xubno Xog ogaal ah noo xaqiijiyeen Wasaarada Maaliyada Maamulka Jubbaland ayaa ka jawaabi wayday su’aalo ay Xubnahan Baarlamaanku waydiiyeen oo ah in hadii Miisaaniyada intaas dhan ay taalo oo Wasaaradu ay hayso la bixiyo mushaaraadka Ciidamada,Baarlamaanka iyo shaqalaha faro ku tirisaka ee wasaaradaha qaarkood ka shaqeeya.

Hadaba Kulanka Maanta ay Baarlamaanka Jubbaland Beesha Caalamka iyo DF Soomaaliya ugu baaqeeyn in Maamulka Jubbaland loo fasaxo dhaqaalaha,laguna Aamino in Miisaaniyada lasiiyo,iyadoo Xubnahan Baarlamaanku ay meel mariyeen Wax lagu Sheegay Miisaaniyada Sanadeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.