Kenya: “Waxaan dhiseynaa Xabsi u gaar ah dadka shabaabnimada loo soo qabto”

kenya

Dowladda Kenya, ayaa shaaca ka qaaday inay dhiseyso Xabsi u gaar ah dadka lala xiriiriyo Ururka Shabaab, xilli Kenya dagaal adag ay kula jirto Shabaabka Somaliya xidida ku leh.

Madaxweynaha dalka Kenya, ayaa sheegay inay dhisi doonaan Xabsigan si loogu xiro dadka Shabaabka lala xiriiriyo, si buu yiri fekradahooda aysan ugu faafin dadka kale ee ay la xiran yihiin.

Sharciga ka dhanka ah Argagixisada ee dalka Kenya ayaa u ogolaanaya laamaha ammaanka inay xabsi dhigaan dadka looga shakiyo inay xiriir la leeyihiin Shabaab iyo kooxaha kale ee amni darada ka geysta dalka Kenya, wuxuu kaloo sharciga u ogolaanayaa in xabsiga ku jiri karaan muddo badan iyada oo aan dacwad lagu soo oogin.

Madaxweynaha Kenya ma uusan shaacin goorta iyo halka ay ka dhisayaan Xabsigaan, balse wuxuu Saxaafadda u sheegay in Xabsi weyn oo lagu xiro dadka argagixisada inay ka dhisayaan dalka Kenya.

Shabaab ayaa ku sugan Dhulka Kaymaha ah ee Boni oo ah goobaha ay ka abaabulaan weerarada qorsheysan ee ay ku qaadaan gudaha dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa dagaal xoogan kula jira ururka Alshabaab oo xiriir la leh Al-qaacida oo weeraro badan ka geystay dalka Kenya iyo saldhigyada ciidamada Kenya ku leeyihiin gudaha Soomaaliya.

Hadii Xabsigan Kenya ay dhisto, oo Shabaab kaliya lagu xiraayo, waxaa meesha ka baxaya in ragga Shabaabka fekradaha ay aaminsan yihiin ay u gudbiyaan Maxaabiista kale ee Kenyan-ka ah ee xabsiga ay ku wada jiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.