TOP: Wasiirka Amniga iyo Taliyaha nabad sugidda oo loogu baaqay in ay is casilaan ” Sababtu Maxay tahay”

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa u soo jeediyay Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Somaliya inuu iscasilo, kadib markii sida ay sheegeen ay ku fashilmeen Suggida ammaanka Muqdisho.

Xildhibaanada oo ka hadlaayay kulankii Baarlamaanka Somaliya ee shalay, ayaa qaarkood waxa ay ka sheekeeyay tacadiyo kala duwan oo ay kala kulmeen ciidanka Nabad Suggida ee loogu talo galay inay ammaanka sugaan oo Xildhibaanadii ku soo jeestay.

Maxamed Sheekh Aadan (Hiiraale) oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay Askari ka tirsan ciidanka NISA inuu ku rasaaseeyay agagaarka Xarunta Baarlamaanka xilli Xildhibaanka uu u socday Xarunta Golaha shacabka.

“Aniga waxaa igu dhacay Askari ka tirsan ciidanka Nabad Suggida kuwa la dhaho gor gor ayaa igu rasaaseeyay halkaan dhaw ee Baarlamaanka, anigoo leh Xildhibaan baan ahay waa kanaa ID caarkeyga, wuu iga diiday, kadib baab Askarta Booliska ah ee Baarlamaanka ilaalisa qoryihii u furteen oo ay dhaheen car xabad dambe ku rid Xildhibaanka iyaga ayaa iga dhiciya, anigoo Xildhibaan Qaran ah ayaa sidaasi la ii galay, shacabkii Maxaad moodaysaan.” Ayuu yiri Xildhibaan Hiraale.

Xildhibaano kale oo ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay sida Taliyaha Nabad Suggida uu ugu fashilmay Suggida ammaanka Muqdisho, waxaana tusaale ay u soo qaateen weeraradii Shabaab ay ka geysteen Hotelka Saxafi iyo Xeebta Liido oo dad badan ay ku dileen Shabaabka.

Waxa ay ugu baaqeen Xildhibaanada Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabad Suggida inay iscasilaan iyaga oo eegaya danta shacabka Somaliyed, maadaama ay ku fashilmeen Suggida ammaanka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Nabad Suggida ayaanan si wanaagsan ula dhaqmin Xildhibaanada iyo Shaqaalaha rayidka ee Dowladda u shaqeeya, xilliyada ciidanka ay taag taagan yihiin wadooyinka ama howlgalada ay sameynayaan, iyaga oo aanan ixtiraamin Aqoonsiyada shaqsiga uu wato.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.