TOP News: Mamaule Cali Xasan oo Xoriyadiisa Dib u helay una mahad celiyey Cidkastaa oo gacan ka geystay soo deyntiisa.

Waxaa shalay galinki idambe dib u helay Xoriyadiisa Maamulihii shirkadda isgaarsiinta hormuud xarunteeda degmada baledxaawo oo shantii maalmood ee lasoo dhaafay ku xirnaa xabsi kuyaala xerada xalane oo ah fariisinka guud ee AMISOM.

Cali Xasan oo ahaa Maamulaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud laanteeda Degmada baledxaawo ayaa xoriyadiisa dib u helay kadib dadaalo badan oo ay ku bixiyeen soo deyntiisa Maamulka Sare ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud xaruntooda dhexe ee Muqdisho, Mudanayaal ka tirsan baaramaanka oo kasoo jeeda beesha Sade iyo Ugaaska Guud ee Beesha Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi ugaas Xirsi, kuwaas oo aan harsan tan iyo jimcihii lasoo dhaafay xiligaas oo Hotel muqdisho ku yaala ay kasoo qabteen ciidanka nabad sugidda Dowladda.

Cali Xasan ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay in uu helo xoriyadiisa, kadib markii xubno ay isku hayb yihiin ay u qorsheeyeen mishin siyaasadeed oo ay doonayeen in lagu khaarijiyo ama ugu yaraan wax loogu dhimo, hawlihiisa shaqo ee uu muqdisho u yimid, isagoo sidaas si lamid ahne uga maahdceliyey cidkastaa oo dadaalka so odeyntiisa gacan ka geystay.

sikastaba Maamule Cali Xasan ayaa markii wax la iska weydiiyey xarigiisa waxay hay’adaha amaanka ee dowladda sosaareen warqad saxiixan oo kasoo gaartay siihayaha Xilka waisir kuxigeenka arimaha gudaha iyo Amniga ee Maamulka Jubba Cabdirashiid indhakoreey,oo ay sheegeen in uu ka dalbaday hay’adda nabad sugidda sidii losooo xiri lahaa cali xasan looguna sii gudbin lahaa magaalada kismaayo, inkasstoo qorshahaasi oo dardar ku socday ay hor istaageen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo ay isku hayb yihiin, kuwaas oo gaaashaanka u daruuray suurtagalnimada in loo wareejiyo cali xasan magaalada kisamaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.