XOG: Axmed Madoobe oo maanta lagu sugayay Magaalada Kismaayo ayaa ku wajahna addis ababa, xilli uu Hadda Nairobi ku suganyahay.

Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Sh Axmed Maxamed Islaam aya maalintii labaad ku sugan Magaalada Nairobi kadib socodaal uu ku tagay Wadamada Imaaraadka Carabta oo uu maalmo ku maqanaa,Waxaa Madaxwayne Axmed Madoobe laga sugayey in uu si deg deg ah u gaadho Magaalada Kismaayo,hase yeeshee waxaa soo baxaya Warar sheegay in Axmed uu Caawa lu sii joodo Magaalada.

Ilo Xog ogaal ah oo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa Gedo Times u xaqiijiyey in uu jiro safar qarsoodi ah oo Axmed Madoobe uu ku tagayo Magaalada Adis ababa ee caasimada dalka Ethiopia halkaas oo ay kulmi doonaan Madax ka tirsan Xukuumada Adis abab,iyo Madaxwaynaha Maamulka Puntland oo maanta halkaas gaadhay.

Xogta ayaa tibaaxaysa in Axmed Madoobe laga codsaday in uu Adis abab tago ka hor inta uuna dib oogu laaban Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland,waxaana jira warar iskhilaafsan oo ka soo baxay Socdaalkiisa Adis abab.

Sida a sheegayan ilo wareedkeena Magaalada Nairobi,Madaxwayne Axmed ayaan haynin qorshe cad oo uu Magaalada Kismaayo la tago,maadaam uu fashilmay shirkii Magaalada Kismaayo ka dhici lahaa ee dib u heshiisiinta,sidoo kalan uu dib u dhac ku jiro qorshihii Magacaabista Xukuumadiisa iyo guud ahan dhisamah Maamulka Jubbaland ee uu horay u balan qaaday dabayaaqada Bishan February.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.