TOP: Shabaab oo ku hanjabay in Weeraro Culus ay ku qaadi doonaan Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

shabab

Xarakada Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay kordhineyso weerarada ay ku qaadeyso saldhigyada ciidamada dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin deegaanada ku yaal koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Afhayeenka howl galada Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa u sheegay warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab inay kordhin doonaan weerarada ay la beegsanayaan ciidamada dowladda iyo Ciidamada AMISOM.

Waxaa uu sheegay in weerarkii habeen hore ku qaadeen degmada Afgooye uu u dhacay sidii ay u qorsheeyeen, isagoo xusay in gaadiid dagaal iyo saanad milateri ku furteen weerarkaas.

“Afgooye mujaahidiinta ayaa gudaha u galay, saacado ayayna ka talinayeen, waxaa ku qabsanay gaadiid dagaal, saanad hub, dhowr gaari waa gubnay”ayuu yiri Abuu Muscab oo intaa ku daray inay dhowr askari oo ka tirsan ciidanka dowladda ku dileen weerarkaas.

Dowladda Federaalka ayaa ciidamo xoojin u dirtay degmada Afgooye oo Muqdisho u jirta 30-KM, iyadoo maalintii shalay ciidamo ka tirsan Nabadsugida oo uu hogaaminayay Taliyaha Nabadsugida ay gaareen deegaanada Mareerey, Sabiib iyo kuwa kale oo ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku qaadeysay saldhigyada Ciidamada AMISOM, iyadoo bil ka hor ay aheyd markii ay weerar xoogan ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.