Degdeg: Axmed Madoobe oo Kismaayo dib ugu laabtay, kana warbixiyay Safar uu ku tagay isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhow ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, iyagoona ka soo laabtay dalka Immaaraadka carabta oo maalmahan ay howllo shaqo u joogeen.

Wafdiga madaxweynaha waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tiraan Jubbaland, waxaana intaas kaddib loo galbiyay xarunta madaxtooyada.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Warsame Darwiish iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa saxaafadda u sheegay in safarka ay ku tageen Immaaraadka Carabta uu ku soo dhammaaday guul.

Madaxweynaha ayaa sheegay in madaxda uu la kulmay uu kala hadlay xiriirka Jubbaland iyo Immaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay in Immaaraaadka Carabta ay door weyn ka qaadatay dhismaha maamulka Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.