Dhageyso:Wasiirada Maanta Barlamaanka Hortagayo.

Kulanka maanta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay horyimaadaan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo kan Amniga Xukuumadda Soomaaliya si su’aalo ay u weydiiyaan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudanayaasha ayaa Wasiirada wax ka weydiinaya  xad gudub ay sheegeen in lagu sameeyay Xasaanadooda kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya dhawaan uu sheegay in dhammaan Masuuliyiinta dowladda la baarayo.

Xildhibaan Max’ed Cumar  oo ah Hab dhowraha Baarlamaanka oo la hadlay  ayaa waxa uu xaqiijiyay in Labadaasi Wasiir saako ay sugayaan Xildhibaanada si ay uga war celiyaan su’aala ka dhex guuxaya Xildhiabaanada Baarlamaanka.

Dhawaan ayey ahayd markii Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ka dalbadeen guddoonka Baarlamaanka in uu horkeenno Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo kan Amniga Xukuumadda Soomaaliya

Halkaan Ka Dhageyso:

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.