Kismaayo: Ku dhawaad 400 oo qof oo QALIIN Bilaash ah loogu sameeyey Gudaha Magaaladasi. “SAWIRRO”

Ku dhaawaad 400 oo qof ayaa maanta indha fiiqid loogu sameeynayaa isbitaalka daryeel ee magaalada Kismaayo, waxaana qaliinkan fulinaya dhaqaatiir ku taqasustay qaliinka indhaha oo ka yimid dalka dibaddiisa iyo weliba dhaqaatiir kale oo Soomaaliyeed.

Mashruucan indho fiiqa ah ayaa waxaa iska kaashanaaya hay’adda maxaliga ah ee al Basar, hay’adda Al-nuur iyo isbitaalka daryeel ee magalada kismaayo, waxaana goobta iska soo xaadiriyay boqolaal dad ah oo doonaya in indhaha loo fiiqo kuwaas oo u badnaa dad da’ ah.

Waxaa ugu harayn madasha kahadalay Dr. Cabdisamad Xaaji Abiikar oo ah aas aasaha isbitaalka daryeel isagoo ugu horeyn umahad celiyay dhaqatiirta qaliinka fulinaysa.

Agaasimaha isabitaalka darayeel Dr. Axmed Maxamed Xuseen (Cirro) oo goobta kahadlay ayaa sheegay in in mashruucan looga faa’iiideyn doono ku dhawaad afar boqol oo qof oo aragga la’an ah kuwaas oo ka kala yimid deegaanada Jubaland.

Dr. Fakhruddiin oo kamid ah dhaqaatiirta fulineeysa qalliinka oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in howshan ay tahay mid dadka indhaha la’anta ah ay aragga ugu fiiqayaan ayna socon doonto mudo sedex maalmood ah.

Dr. C/raxmaan Axmed Dalmar oo isaguna kamid ahaa dhaqaatiirta fulineeysa howshan indho fiiqista ah ayaa sheegay in mashruucan ay fulin doonaan sedexdii biloodba mar, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay isbitaalka daryeel ee magaalada Kismaayo.

Qaar kamid ah dadkii ka faa’iideystay mashruucan indho fiiiqa ah oo lahadlay warbaahinta Dhanaanmedia ayaa ka mahadceliyay barnaamijkan lacag la’aanta ah ee indhaha loogu fiiqayo iyagoo u duceeyay dhammaan dadkii ka qeybqaatay Mashruucan.

Hoos ka daawo sawirada.

q

q1

q2

q3

q4

q5

q6

q7

q8

q9

q10

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.