Raila Odinga: Hadii aan ku guuleysto Madaxtinimada Kenya Ciidankeena waan kasoo saarayaa Soomaaliya.

Kenya's Prime Minister Raila Odinga addresses media in Nairobi...Kenya's Prime Minister Raila Odinga addresses the media in Nairobi April 1, 2009. REUTERS/Thomas Mukoya (KENYA POLITICS HEADSHOT)

Guddoomiyaha Isbahaysiga Mucaaradka CORD ee dalka Kenya, Kalonzo Musyoka ayaa hadalkaasi ka sheegay Degmadda xeebta leh ee Malindi, wuxuuna sheegay inaysan fududayn dagaal aad kula jirto dad diyaar u ah inay geeriyoodaan.

“Heshiiska Ciiddanka Kenya lagu geeyey gudaha dalka Somalia waxaa ka dhiman wax ka yar hal sanno, mana ka badnaan doonto” ayuu yiri Siyaasigaasi.

Kalonzo Musyoko oo lagu naanayso Hoggaamiyaha Wax Tirtira ama masaxa ayaa ugu baaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu joojiyo Laabta uu u garaacayo Dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Waxa uu tilmaamay in Weerarkii ay Alshabaab bishii hore ee Janaayo 15-dii ku qaadeen Xeradda Ceel-cadde ku dileen Askar badan oo Kenyan ah uu ahaa Weerarkii ugu horreeyey ee lagu dilo ciiddamo badan tan iyo markii ay Kenya heshay Xornimadda.

Dowladda Kenya weli ma shaacinin Tirada Rasmiga ee lagu dilay Weerarkii Ceel-cadde, inkastoo ay Alshabaab sheegteen inay Xerada Ceel Cadde ku dileen 100 Askari oo Kenyan ah.
Waana khasaarihii ugu badnaa ee ay Ciiddanka Kenya la kulmeen tan iyo markii ay Somalia soo galeen bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.