Washington: Majirto Dayuurad aan leenahay oo ku dhacday Duleedka Degmada Baardheere ee G/Gedo.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Mareykanka ayaa si cad waxa uu u beeniyay Diyaarad Drone inay kaga dhacday Koonfurta Somaliya, xilli Al Shabaab ay sheegteen inay gacanta ku dhigeen Diyaarad laga leeyahay dalka Mareykanka oo nooca Duuliye la’aanta ah oo soo dhacday.

Afhayeen u hadlay Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ay sheegeen Shabaabka ee ku aadan inay gacanta ku dhigeen Diyaaradaasi.

Sarkaalka u hadlay Pentagon-ka, wuxuu sheegay in la tiriyay dhamaan Diyaaradaha Drone-ka ee ku sugan Saldhiga Mareykanka uu ku leeyahay Afrika, sidaasi awgeedna aysan jirin wax ka maqan.

Shabaab ayaa sheegay Diyaaradan inay gacanta ku soo dhigeen, kadib markii ay ku soo dhacday Deegaanka Shandacaar oo 70 KM u jirta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Shabaabka waxa ay sheegeen Diyaaradan inay ku xirnaayeen lix gantaal, durbadiiba ay la wareegeen oo ay u qaateen Deeganada ay maamulaan.

Majirto ilo ka madax Banaan Shabaab-ka oo xaqiijinaya sheegashada ku aadan in Diyaarad Drone ah ay gacanta ku dhigeen, inkastoo Mareykanka uu arintaasi beeniyay.

Xoogaga Shabaab ayaa horay u qabtay Diyaarad Drone ah oo ku soo dhacday meel ku dhaw Degmada Buurhakabo ee Gobolka Baay, iyadoo Shabaabka ay soo bandhigeen Sawirada Diyaaradaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.