TOP News: Wararki ugu dambeeyey Dagaalkii ay Shabaab ku qaadeen Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.

dagaal

Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa xalay Saqdii dhexe waxa ay dagaal xoogan ku qaadeen Degmada Afgooye, gaar ahaan fariisimo ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin gudaha Degmadaasi.

Dagaalkaan oo ahaa mid abaabulan ayaa socday dhowr saacadood, waxaana Shabaabka u suuragashay inay gudaha u galaan Degmada Afgooye oo ciidanka Dowladda Difaacyo ay ku leeyihiin Magaalada gudaheeda ay kula dagaalamaan.

Ciidamada Shabaabka ee xalay weerarka ku soo qaaday Degmada Afgooye, ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwa aad u badan oo sitay qoryaha noocyadooda kala duwan.

Wariye ku sugan Degmada Afgooye ayaa sheegaya in iyadoo jawiga Magaalada uu caadi yahay, mar kaliya ay ku soo tooseen xalay dhawaqa jug culus oo xigtay rasaas la isweydaarsanaayay, iyadoo intaasi kadib uu si toos ah u qarxay dagaalka labada dhinac dhexmaray.

Ilaa hada waxaanan si rasmi ah loo ogeyn Khasaaraha soo kala gaaray ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab iyo sidoo kale shacabkii Dushooda xalay lagu dul dagaalamay.

Saraakiisha ciidamada Dowladda iyo Maamulka Degmada Afgooye weli kama aysan hadlin dagaalkaan xoogan ee Shabaabka xalay ay ku galeen Magaalada Afgooye.

Ciidamada Shabaabka ayaa awood badan ku leh Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana ciidan badan ay ka joogaan Shabaab Degmada Toora tooroow oo aanan sidaasi kaga fogeyn Magaalada Afgooye.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.