Dhageyso: Somaliland Kama Danbeyn Werarkii Daalo Airline.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Soomaaliland Injineer Feysal Cali Waraabe  ayaa beeniyay in maamulka Soomaaliland uu ku lug lahaa Qaraxii diyaaraddii Daalo Airline.

Feysal Cali Waraabe ayaa tibaaxay in ay suura gal tahay in muwaadin ka soo jeeda Soomaaliland uu ka dambeyn karo falkaasi laakiin aan loo tirin Karin Xukuumadda Maamulka Soomaaliland.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka  UCID ee maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in aanu jirin shaqsiyaad  matala maamulka Soomaliland ee ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shalay ayaa Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay kulankii Baarlamaanka waxa ay sheegeen in Dasuurkuu uu sii ahaanayo Mid KMG ah illaa laga qeyb galiyo maamulka Soomaalilan

Halkaan Ka Dhageyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.