Dhageyso:Xil Cabdi Barre.Putland Yaan lagu Qasbin 4.5

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf  oo ka Tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa waxa uu sheegay in marnaba maamulka Puntland aysan qaadan doonin in lagu cadaadiyo nidaamka 4.5 ee awood qeybsiga dalka kaas oo uu sheegay in in uusan waafaqsaneen Dastuurka dalka Soomaaliya.

Mudane Cabdi Barre ayaa intaas ku daray in Madaxda dalka ay hareer mareen Dastuurka KMG wuxuuna carabka ku dhuftay in hoggaanka Siyaasadda Soomaaliya ay la wareegeen beesha Caalamka ayna fara gelin weyn ku hayaan hanaanka Siyaasadeed ee dalka.

Dhinaca kale Cabdi Barre Yuusuf ayaa waxa uu kaga digay Hoggaamiyayaasha Soomaalida in ay qaataan aragtida Beesha Caalamka isagoo tilmaamay in looga baahan yahay in madaxda dowladda Soomaaliya ay ka wada arrinsadaan masiirka dalka Soomaaliya.

Hadalka Xildibaan Cabdi Barre ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan uu ku soo guul dareystay wakiilka gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaliya in maamulka Puntland uu ku qanciyo qodobadii ka soo baxay shirkii Madasha wadatashiga Qaran.

Halkaan Ka Dhageyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.