Somaliland Waa ay Diiday Ka Qeyb Qadashada Wax Ka Badalka Dastuurka.

Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa ka warbixiyay qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay ee Dastuurka KMG.

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa shaaca ka qaaday in qodobka awooda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha wax ka bedel lagu sameeyay.

Sidoo kale Mr Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa daaha ka rogay in wax ka bedelka Dastuurka KMG ay ku sameynayaan ay  gacan ka siineyso Hay’ad fadhigeedu yahay dalka Germany.

Isagoo sii watay hadalkiisa ayuu sheegay mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil in dhammaan maamul goboleedyada marka laga reebo maamulka Soomaaliland ay ka tala geliyeen wax ka bedelka Dastuurka isagoo qiray in Soomaaliland ay ku adkaatay balse dadka ka soo jeeda  ay ka qeyb galin doonaan wadatashiyada la xiriira wax ka bedelka Dastuurka KMG sida uu hadalka u dhigay.

Shalay ayey ahayd markii guddiga dib eegista Dastuurka KMG ah markii ay warbixin ka siiyeen howlahooda Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.