Warakii Ugu Danbeyay Werarkii Degmada Afgoye

Abaarihii 1:00-Am- Saqdii Dhexe ama ( Todobo Saac Habeenimo) ayaa weerar Culus Xarakada Al Shabaab waxa ay xaly ku qaadeen Bar Kontarool ay  Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halka lagu Magacaabo Mukayga oo ah meesha looga sii baxo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalkaan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa yimid kadib markii weerar gaadmo ah ay Al Shabaab ku soo qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee ku sugan Bar Kontarool oo ku taalla Mukayga waxaana sida dadka deegaanka ay Shabelle u sheegeenin dagaalku uu ahaa mid socday saacado islamarkaana la isugu adeegsaday rasaas aad u culus.

Inta la xaqiijiyay 8 qof oo 5 ka mid ah ay Askar yihiin  ayaa ku dhaawacmay iska hor’imaadaaski, waxaana sida ay tilmaamayaan ilo ku sugan halkaasi 2 Gaadiidka dagaalka ah looga qabsaday  Ciidamada dowladda inta uu socday dagaalka halka 2 kalana looga gubay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka  ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen isagoo tilmaamay in Ciidamada dowladda khasaaro ay kala kulmeen dagaalkaas sida uu yiri.

Dhinaca kale wararka aynu ka heleyno degmada Afgooye ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo gurmad ahaa in marka ay marayeen Baar Ismaaciil mid ka mid ah gaadiidkooda uu qabsaday qoryaha  Garabka laga tuuro oo ay soo rideen Ciidamada AMISOM oo ka shakiyay  iyadoona inta la ogyahay uu ku dhintay 1 Askari  oo saarnaa gaarigaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro kala duwan ka fuliya fariisimaha ay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Halkaan Ka Dhageyso:

gedotimes1@gmail.com

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.