Nairobi: Qaar kamid ah Gobolada Kenya oo ay ka bilowdeen kacdoon ka dhan ah Dowladda kadib Weerarkii Ceelcadde.

kenya

Madaxda Gobolka Trans Mara ee Dalka Kenya ayaa Dowladda Kenya ka dalbaday inay Magdhow ka bixiso Askartii ka soo jeedday degaankaasi ee Al-shabaab ku laayeen Degaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.

Elias Kirionki oo ka mid ahaa Askarta ku dhimatay Ceel Cadde waalidkii waxaa uu sheegay in inta badan Askarta lagu dilay Ceel Cadde ay ahaayeen Waaliddiin ka tagay Carruur iyo Xaasas ay noloshoodu ku xirneyd Mushaharka ay Askarta ka helaan Dowladda.

Kirionki waxaa uu ka mid ahaa Askarta dhimatay,waxaana dhawaan lagu aasay degaanka uu ka so jeedo ee Osupuko oo ka tirsan Eldoret.

Guddoomiyaha Xiriirka Bulshada ee Gobolka Trans Mara Leboo Morintat ayaa sheegay in ay Dowladda uga baahan yihiin in aysan joojin Mushaharka ay qaadan jireen Askarta la dilay, si ay ugu noolaadaan, waxna ugu bartaan Carruurtii at ka tageen.

Joel Tasur, oo ah Siyaasi ka so jeeda isla Gobolka ayaa sheegay in Dowladdu ay tahay in ay joogto u bixiso Masruufka Qoysaska Wiilshadooda ku dhinteen Soomaaliya iyaga oo difaacaya Dalkooda Kenya,waxaana uu ka digay in Dowlada ay dafirto xuquuqda dadkaasi.

Al-shabaab ayaa bartamihii Bishii hore waxaa ay Weerar ku aadeen degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, halkaasoo ay Saldhig ku lahaayeen Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya, waxaana halkaas ku dhintay askar ku dhow boqol.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.