Muqdisho: baarlamaanka Soomaaliya oo Bilaabaya Dib u egista Dastuurka KMG ah ee Dalka.

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan aan caadi aheyn, kaasoo lagu daah-furay Dib u eegista Dastuurka KMG, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan Madax kala duwan.

Daah furka Dastuurka KMG ah ee qabyada ah ayaa waxaa ka qeyb geli doona qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamul goboleedyada, waxaana sidoo kale goob joog ka noqon doona Madaxda ugu sareysa dowladda.

Golaha Wasiirada ayaa kulan gaar ah oo maalin ka hor ay ku yeesheen magaalada Muqdisho kaga hadlay dib u eegista Dastuurka, si wax ka bedel loogu sameeyo qodobada qaar.

Jeylaani Nuur Iikar Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka ayaa sheegay in maanta la daah furi doono Dastuurka, si maalmaha soo socda loo guda galo dib iyo eegis iyo wax ka bedel lagu sameyn cutubyo ka tirsan Dastuurka.

Dastuurka ay ku shaqeyso dowladda KMG ayaa waxaa sanadkii 2012 ansixiyay ergooyin gaarayay illaa 800 ka kala yimid gobolada dalka, iyadoo la doonayo in afti dadweyne loo qaado, balse sida muuqata xaalada ammaan ee dalka iyo deegaanada qaar oo ka maqan gacanta dowladda ayaan suura gal ka dhigi karin afti u qaadidiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.