TOP: XIldhibaan Magan, Ugaaska Beesha Sade iyo Maamulka Sare ee Hormuud oo dadaal ugu jira soodeynta Maamule Cali Xasan oo wali Xiran.

Iyadoo wali xabsi ku yaala Xerada Xalane ee Muqdisho uu ku xiranyahay Maamulihii hormuud Xarunteeda Degmada Baledxaawo, ayaa waxaa socda dadaalo lagu soo deynaayo maamule cali Xasan oo ay wadaan Masuuliyiin kala duwan.

Xildhibaan Maxamuud cali Magan, Ugaaska Guud ee Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, iyo Maamulka Sare ee SHirkadda isgaarsiinta Hormuud Xarunteeda dhexe ee Muqdisho ayaa ilaa iyo xalay kujira arinta iyagoo dadaal kii u danbeeyey ku bixinaya sidii uu cali xasan xoriyadiisa u heli lahaa, loona maxkamadeyn lahaa cidii xarigaas gardarada ah kula kacday.

waxaa qeyb ka ah dadaalada lagu soodeynaayo maamule cali xasan Taliyaha Nabadsugidda Janaraal cabdiraxmaan Tuuryare iyo Xubno kale oo ay aad isugu dhawyihiin maamule cali xasan kuwaas oo ka damqaday xariga wuxuushnimada ah ee uu cabdirashiid indhakoreey ku dalbaday in la xiro mudane cali Xasan.

inhdakoreey ayuu ka fashilmay qorshe mishin ah oo uu doonayay in uu ku khaarijiyo maamle cali, sidoo kale waxaa xusid mudan in xariga cali xasan ay qeyb kayihiin rag ku sugan doolow oo ay garab xagaf lahaayeen, sidoo kalane ay aad isugu dhawyiihiin cabdirashiid indhakoreey, kuwaas oo magacyadooda aaan helnay balse aan dib kasoo shaacin doono.

Masuuliyiinta dadaalka ugu jira soodeynta cali xasan oon qaarkood la xiriirnay ayey noo xaqiijiyeen in dadaalkooda ay wadaan isla amr ahaantaane ilaa AMISOM uu kiiska gaaray, tiiyoo ay dheertahay beey yirahdeen in ceeb uu dhexfadhiyo ninkii sida gardarada ah kusoo xiray Maamule cali xasan oo ah nin si weyn Gedo iyo Soomaaliyaba looga yaqaano, ahne nimaan shaqo ku laheyn eedeymaha been abuurka ah ee ay sameeyeen indhakoreey iyo xulafadiisa.

ISha ku hay Gedo Times si aad uga hesho warar xaqiiqo ah

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.